Cuntooyinka hoos u dhiga walwalka walaaca iyo istareeska

Hor dhac

Walwalka iyo walaaca waxa ay ka mid yihiin xaaladaha la soo darsa bini’aadamka, ma aha cudur laakin waxaa keena xaalado ay la kulmaan dadka.

Cuntooyinka hoos u dhiga walwalka walaaca iyo istareeska

Qormadaan waxa aan kaga hadleynaa cuntooyin yareeya ama hoos u dhiga walwalka iyo walaaca, inkastoo aaney mararka qaar ku filneyn cunto oo kaliya so loo yareeyo walwalka iyo walaaca hadana waxa jira cuntooyin aad muhiim ugu ah walalka, walaaca iyo istareeska:

In lala isticmaalo cuntooyinka hoos ku xusun cuntooyin kale oo isku dheeli tiran waxa ay wax badan ka tari kartaa yareynta walwalka iyo istareeska:

Kalluunka dufanka leh (Fatty Fish)

Kalluunka dufanka leh (Fatty Fish)

 Kalluunka dufanka leh sida kuwa loo yaqaano salmon-ka iyo mackerel waxa ay qani ku yihiin ooka buuxa omega-3 fatty acids taas oo lala xiriiriyo in ay wax badan ka tarto hoosna u dhugto walwalka iyo istreeska sido kale ay nafaqeeya unugyada maskaxda.

Caleenta cagaaran (Leafy Greens)

Caleenta cagaaran (Leafy Greens)

Noocyada kala duwan ee caleenta cagaaran sida koostada waxaa ku jira oo ay qani ku yihiin Magnesium-ka kaas oo hoos u dhiga xaaladaha istareeska iyo walwalka, sidaa darteed in caleemaha cagaaran ay qeyb ka yihiin cuntooyinkaaga waxa ay kuu leedahay faa’iidooyin badan.

Kaarbohaydraytyada isku dhafan(Complex Carbohydrates)

Kaarbohaydraytyada isku dhafan(Complex Carbohydrates)

Kaarbohaydraytyada isku dhafan sida bariska bawon-ka ah, qamadiga iyo boorashka waxa ay caawin karaan xasilinta heerarka sonkorta dhiigga , Tani waxay ka hortagi kartaa niyad jabka iyo welwelka ka iman kara marka heerka sonkorta dhiigga hoos u dhacdo.

Ukunta(Eggs)

Ukunta(Eggs)

 Ukuntu waa cunto nafaqo leh oo ka kooban dhowr nooc oo nafaqooyin kala duwan taas oo laga yaabo inay si dadban uga qayb qaadato dhimista welwelka iyo guud ahaan badqabka maskaxda.

Ukunta waxaa ku jira xaddi badan oo brootiin ah sido kale waxaa ku jira amino acid, B vitamins sida B6 iyo B12, sido kale waxaa ukunta ku jira omega-3 fatty acids dhammaan macaadintaas ku jira ukunta waxa ay faaido caafimaad u leeyihiin jirka iyo maskaxda waxa ayna hoos u dhigaan walwalka iyo istareeska.

Miraha sida lawska(Nuts)

Miraha sida lawska(Nuts)

Noocyada kala duwan ee bahda lawska waxaa ku badan nafaqooyinka sida magnesium-ka, zinc, iyo dufan caafimaad leh. Nafaqooyinkaan waxa ay kaa caawin karaan dhimista welwelka.

Shukulaatada madow(Dark Chocolate)

Shukulaatada madow(Dark Chocolate)

Shukulaatada madow waxa ay ka kooban tahay antioxidants iyo iskudhafyo sida flavonoids oo ka qeyb qaata dhimista walwalka iyo walaaca. Si kastaba ha ahaatee, ka digtoonow inaadan si xad dhaaf ah u cunin sababtoo ah waxa ku jira kaloori, kalooriag oo aad ka isticmaasho wax ka badan xadigii uu jirkaaga u baahnaa waxa ay keentaa in uu kordho miisaankaaga(Weight Gain), sido kale haddii aad ka yareyso xadigii uu jirkaaga u baahnaa waxa ay sababtaa in uu hoos u dhoco misaankaaga (Weight Loss).

Cinabka iyo strawberiga (Berries)

Cinabka iyo strawberiga (Berries)


 Miraha Cinabka iyo strawberiga Waxay ay qani ku yihiin antioxidants-ka iyo fitamiin C, kuwaas oo kaa caawin kara la dagaallanka iyo in ay hoos u dhigaan diiqada iyo walaaca.

Avokaadhada(Avocado)

Avokaadhada(Avocado)

Avocado waxa ay ka mid tahay ilaha laga helo dufanka caafimaadka qaba iyo potassium-ka, kuwaas oo kaa caawin kara nidaaminta cadaadiska dhiigga iyo dhimista walwalka iyo istareeska ku dhaca nafta.

Muuska (Bananas)

Muuska (Bananas)

Muuska waxa ku badan potassium-ka waxana uu bixiyaa tryptophan, oo ah nooc amino acid kor u qaadi kara wax soo saarka serotonin-ka, neurotransmitter ka qayb qaata in uu qofka dareemo caafimaad, fayoobi iyo farxad.

Gunaanad

Ogow in qof walba jidhkiisu si kala duwan uga jawaabo cuntooyinka, mana jirto hal-cabbir oo lagu maareeyo welwelka iyada oo loo marayo cunto. Waxa kale oo muhiim ah in la ilaaliyo cunto dheeli tiran, oo la joogteeyo, lagana fogaado cabista kafeega iyo khamriga xad dhaafka ah, kuwaas oo ka sii kordhin kara walwalka iyo istreeska. Haddii aad qabtid walwal ama istrees daran ama joogto ah, waxaa lama huraan ah inaad la tashato dhaqtar daryeel caafimaad si aad u hesho daaweyn iyo hagitaan kugu habboon.


Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post